Den kristne påskefortellingen// Booskaha kiristanka
Markii uu nabi Ciise (scw) nin weyn noqday waxa uu bilaabay isaga iyo xertiisii ka koobnayd 12ka nin, inay wareegaan oo dadka ay la kulmaan u sheegaan Ilaahay. Nabi Ciise (scw) waxa uu ahaa nin naxariis badan oo u naxariista dadaka faqiirka ah iyo kuwa jirran.
Waxa uu lahaa saaxiibo badan, laakiin waxa kale oo uu lahaa cadaw badan. Dad badan oo ka mid ah kiwii dalka ka taliya ayaan jeclaysan in dadku ay uga dhaga nugul yihiin nabi Ciise (scw) iyaga. Waxa ay ka cabsanayeen in nabi Ciise (scw) yeesho awood badan.
Axadii geed timreedka

Axaddii ka horaysay booskaha ayuu nabi Ciise (scw) iyo xertiisii u safreen Qudus si ay u dabbaaldegaan ciidda booskaha.
Laba ka mida xertiisa ayuu weydiiyey in ay dameer u soo helaan. Nabi Ciise (scw) dameerkii ayuu isaga oo fuushan ku soo galay Qudus. Halkaa waxa loogu soo dhaweeyey sidii boqorka, waxanay dadku kor u gu dhawaaqayeen ‘’Hosianna, hosianna, boqorkayagii ayaa yimid” Waxaanay lulayeen lamaha geedka timirta oo calanka waynaata leeg. Hoosanna waxa loola jeedaa qiyaas ahaan hurray.
Khamiistii nadiifinta – raashinkii habeenka kiristanka ayaa la soo bandhigay

Habeenkan nabi Ciisa (scw) waxa uu isku keenay xertiisii si ay u wada cunaan cuntada booskaha. Wakhtigaas waxaa caado ahayd in lugaha la dhaqo intaan guriga la soo galin, waayo dadku waxay ku socon jireen cago caddaan, ama sandaal ayey isticmaali jireen, taas oo keeni jirtay in caguhu aad u wasakhoobi jireen. Albaaka guriga hortiisa ayuu nabi Ciisse (scw) cagaha ugu dhaqay xertiisii oo dhan intii aysan soo galin guriga. Sidaas waxa uu u samayn jiray in uu tuso in ay wanaagsantahay in dhamaan lays caawiyo.

Markii ay cuntada u fadhiisteen, ee ay cunayaan ayuu nabi Ciise (scw) yidhi: «hadda waxba kama hadhin xiligii lay qaban lahaa, ee inta lay xidho aan dhiman lahaa.». Waxa kale oo u sheegay inuu ogyahay in mid ka mid xertiisu uu caawin doono askarta xidhi doonta. Yuudas, oo ka mid ahaa xertii nabi Ciise (scw) , ayaa aminsanaa in nabi Ciise (scw) noqon doono boqor qani ah oo xoog badan. Markuu arkay in aanu nabi Ciise (scw) lacag iyo xoogba dan ka lahayn ayuu nabi Ciise (scw) u cadhooday.

Cuntadii ka dib waxay noqotay habeen dambe. Markaasuu nabi Ciise (scw) xertiisii u kaxeeyey meel beer ah. Halkaas ayuu nabi Ciise (scw) ku baryay ilaahay. Yuudas baa askartii soo kexeeyey, keenayna beertii uu nabi Ciise (scw) joogay. Taas oo lagu siiyey 30 lacag oo qalin ah. Nabi Ciise (scw) wuu ogaa inuu Yuudas sidaas samaynayo, sidaa darteed dhib la’aan ayuu askartii ku raacay.
Jimcihii dheeraa – maxkamadeyn, xukun, ku musbaaridii iskutallaabta iyo xabaashii
Nabi Ciise (scw) wuu gartay inuu dhimanayo. Ilaahay baa tan qorsheeyey mar hore. Xitaa wuu ogaa intaanu aduunyada imaan nabi ciise (scw) inuu dhimanayo. Wuxuu aduunyada u yimid inuu qaato dhamaan ciqaabta dadka waal waalani ay sameeyeen, iyo kuwa ay samayn doonaan. haddana wakhtigiisii ayaa dhamaaday, askartiina waxay u kexeeyeen nabi Ciise (scw) madaxdoodii. May rumaysan inuu nabi Ciise (scw) yahay wiilkii ilaahay. Waxay yidhaahdeen: «waa inuu dhintaa, sababtoo ah waxa uu isku dheegayaa wiilkii ilaahay». Waxay nabi Ciise (scw) ku musbaareen iskutallaabtii meel la yidhaahdo Golgata. Halkaas oo nabi Ciise (scw) ku dhintay.
Qiyaastii 2,000 sano ka hor tani waxay ahayd hab caadi ah oo lagu ciqaabo dambiilayaasha. Waxay ahayd maalin murugo leh marka loo eego xertii nabi Ciise (scw) iyo asxaabtiisii oo dhan. May ogayn in ilaahay u qorsheeyey yaab aad u cajiib ah. Mana murugoon doonaan muddo dheer.

Habeenka booskaha – xabaasha aad baa loo ilaalinayey

Markii nabi Ciise (scw) dhintay, ayey xertiisii dhigtay god buur ku dhex yaala. Godkaas waxa siiyey nin Yuusuf la yidhaho. Waxana doonayey in Wiilka Ilaahay hadiyada ugu dabaysa uu isaga siiyo. Dhagax weyn ayey ku soo riixeen godka afkiisii . Madaxdii laba askari ayey u soo direen si ay u ilaaliyaan in aan nabi Ciise (scw) maydkiisa meesha lagala bixin
Axadda booskaha koowaad
Subaxdii hore ee axadda ayaa waxa dhacay dhul gariir, malag ayaa samada ka soo dagay oo riixay dhagaxii godka afkiisa saarnaa. Markii ay askartii arkeen malagii cabsi ayay gariireen waanay carareen. Wax yar ka bacdi waxa yimid mid kamida Ciise saaxiibadiis oo la dhaho Maria Magdalena. Markii ay aragtay in godka dhagaxii laga qaaday ayey godkii gashay. Markay godkii gashay waxay ku aragtay malag , markaasuu malagii ku yidhi Ciise halkan ma joogo, waa uu nool yahay ee orad oo ku dheh saaxabdii ciisa waa noolyahay waanad arki doontaan. Markaasay caratay si ay warkan wanaagsan dakii ugu sheegto.

Axadda booskaha labaad
Markii hore xertii nabi Ciise (scw) midkoona ma rumaysan waxay Maria Magdalena u sheegtay, laakiin run bay sheegaysay. Maalintii labaad ee booskaha ayuu nabi Ciise (scw) soo noqday si uu ula kulmo. Runtii wuu ka soo sarakacay dhimashadii!
Cir u baxii nabi Ciise (scw)
Afartan maalmood kadib ayuu nabi Ciise (scw) xertiisii geeyey meel buur weyn u dhow. Inta uu gacanta sare u qaaday ayuu u duceeyey. «qof walba ii sheega», ayuu yidhi. Kadibna cirka ayuu dib ugu laabtay. Maalintan waxaan loo yaqaanaa maalintii nabi Ciise (scw) cirka u baxay. Daruur ayaa qarisay isaga oo dhan, taas oo keentay inay markii danbe arki waayaan. Waxay taagnaayeen in badan oo cirka eegayeen.
Si kadis ah ayaa waxa isu soo dhex taagay laba malag. «Maxaad weli idin taagay ee aad daruuraha ka eegaysaan?» ayey weydiiyeen. «Nabi Ciise wuxuu u baxay cirka. Maalin ayuu dib ugu soo noqonayaa isla sidii uu idiinka tagay.»
Markaasay xertiisii di ugu soo noqdeen magaaladii iyagoo farxadi qalbigooda ku jira. Nabi Ciise (scw) wax badan buu baray. Waxay waligood xasuusanayaan inuu ku yidhi : «Ha welwelina, hnaa cabsanina. Illahay aamina, anigana i aamina. Ilaahaay
aqalkiisa waxaa jira qolal badan. Meel baan idiin diyaarin doonaa. Maalin ayaan soo noqon doonaa oo aan idin qaadi doonaa, si aad iila joogtaan halkaan joogo».

Illustrajoner fra Adobe Stock